LLR Care Record: Working together to improve your care (Somali)

Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland

Si wadajir ah ugu shaqaynayan sidii ay u hormarin lahayeen daryeelkaaga

Waa maxay diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland?

 

Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland waa nidaam kombuyuutar oo ammaan ah oo isku keenaya macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan dadka isticmaalay adeegyada uu bixiyo dhakhtarkooda guud(GP-gooda), lagu bixiyo isbitaalka deegaanka, daryeelka caafimaadka bulshada, adeegyada bulshada ama kooxaha caafimaadka maskaxda. Waxay awood u siinaysaa shaqaalaha caafimaadka iyo daryeelka inay fiiriyaan caafimaadka iyo macluumaadka daryeelka wakhtiga dhabta ah ee dhammaan bixiyayaasha daryeelka iyo inta u dhaxaysa nidaamyada kala duwan.

 

Dhammaan diiwaanada waa kuwa si adag qarsoodi u ah oo ay heli karaan oo kaliya shaqaalaha caafimaadka iyo daryeelka kuwaas oo si toos ah ugu qaybqaata daryeelka shakhsiga. Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland waxa uu keediyaa macluumaad gaar ah oo ku saabsan shakhsiga, tusaale ahaan:

 

  • Cinwaanka iyo lambarka taleefoonka
  • Ballamaha
  • Daawooyinka – si qof kasta oo ku daryeelaya uu u arki karo waxa ay yihiin daawooyinka laguu qoray
  • Xasaasiyadda – si loo xaqiijiyo inaan laguu qorin ama aan lagu siinin wax daawooyin ah oo laga yaabo inaad falcelin xun ka qabto
  • Natiijooyinka baaritaanka – si loo dedejiyo daaweynta iyo daryeelka
  • Gudbinta, waraaqaha caafimaadka iyo macluumaadka ka saaritaanka – si loo xaqiijiyo in dadka ku daryeela ay haystaan dhammaan macluumaadka ay u baahan yihiin ee ku saabsan daryeelka kale iyo daaweynta aad ka heleyso meel kale.

 

Yay tahay cida arki karta Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland?

 

Kaliya shaqaalaha caafimaadka iyo daryeelka ee sida tooska ah ugu lug leh daryeelkaaga ayaa arki doona diiwaankaaga daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland. Lama wadaagi doono qof aan ku bixineynin daawayntaada, daryeelkaaga ama taageeradaada. Faahfaahinadaada lagama yeeli doono kuwa shaacsan, ama looma gudbinayo cid aan si toos ah ugu lug lahayn daryeelkaaga.

 

Sidee ayaan ku ogaan karaa in Diiwaankayga Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland uu ammaan yahay?

 

Macluumaadkaaga si ammaan ah ayaa looga soo uruuriyey nidaamyada caafimaadka iyo daryeelka ee gobolka oo dhan waxaana lagu soo bandhigaa Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland si loo isticmaalo inta lagu jiro daryeelka tooska ah wuxuuna ahaanaya qarsoodi.

Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland waxa uu siiyaa shaqaalaha caafimaadka iyo daryeelka ee sida tooska ah ugu lug leh daryeelkaaga helitaanka macluumaadka ugu dambeeyay ee casriga ee adiga kugu saabsan.

 

Waxay tan ku samaynaysaa iyada oo la wadaagaysa macluumaadka ku habboon diiwaannadaada caafimaadka iyo daryeelka ee u dhexeeya adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee ku jira Leicester, Leicestershire iyo Rutland.

 

Halka Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland lagu isticmaali doono:

 

Waxqabadyada GP-ga / Adeegyada daryeelka caafimaadka bulshada / isbitaallada NHS / Adeegyada daryeelka bulshada / Adeegyada caafimaadka Maskaxda / Hoyga bukaan-jiifyada

 

Maxay yihiin faa’iidooyinka Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland?

 

  • Isku-dhafan iyo daryeel badbaado leh
  • Waqti badan oo aad ku bixiso daryeelkaaga
  • Shaqada warqada yar
  • Macluumaadkaaga oo hal meel ku keedsan
  • Uma baahnid inaad ugu celiso faahfaahinada shaqaalaha caafimaadka iyo daryeelka kala duwan.

Muuqaalka 1-aad

 

Marka, sidee ayay u shaqeysaa?

 

Jamie waxay ku jirtaa safar dugsiyeed oo ku aadan Rutland Water waxaana ku dhacay falcelin xasaasiyadeed.

 

Waalidiinta lalama xiriiri karo; Jamie waxa isbitaalka loogu qaaday aambalaas.

 

Shaqaalaha daryeelka isbitaalka waxay geli karaan Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland si ay u arkaan daawada Jamie iyo taariikhda hore ee xasaasiyadda.

 

  • Daawooyinka iyo liiska xasaasiyaddaha: Ee uu siiyey GP-ga Jamie
  • Soo koobitaanka A&E: Ee ay siiyeen shaqaalaha daryeelka isbitaalka

 

Faa’iidada

 

Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland waxa uu u awood siinaya shaqaalaha caafimaadka iyo daryeelka inay bixiyaan daryeelka degdega ah si Jamie isla markiiba iyo si badqab ah u daaweeyaan.

 

Muuqaalka 2-aad

 

Harpreet waxay ku jirtay Isbitaalka Royal ee Leicester iyada oo ka soo bogsoonaysay dhicitaan.

 

Joogitaankeedii hore ee isbitaalka, way ka daahday bixitaankeeda maadaama kooxda daryeelka ee isbitaalka aysan hubin wax yar oo ku saabsan waxa ay yihiin taageerada guriga laga heli karo.

 

Hadda, iyada oo garab ka heleyso Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland, qaybta ka saaritaanka waxay ku kalsoonaan karaan in xirmada daryeelka bulshada ee saxda ah ay ugu meeleysan tahay Harpreet barta gurigeeda Leicester.

 

  • Warqadda ka saaritaanka isbitaalka: Ee ay siiyeen shaqaalaha ka saaritaanka isbitaalka
  • Xirmada daryeelka bulshada: Ee ay siiyeen kooxda daryeelka bulshada
  • Taageerada bulshada: Ee ay siiyeen kalkaalinta bulshada

 

Faa’iidada

 

Wadaagista macluumaadka Harpreet waxay u ogolaaneysa isbitaalka, kooxaha bulshada iyo daryeelka bulshada inay aad ugu warqabaan, taas oo u oggolaanaysa inay bixiyaan daryeel wanaagsan oo badqab ah.

Miyaan diidi karaa in la wadaago Diiwaankayga Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland?

 

Haa. Waxaad xaq u leedahay inaad diido in Diiwaankaaga Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland la wadaago. Si kastaba ha noqotee, haddii shaqaalaha u baahan yihiin inay helaan macluumaadka lagu wadaago Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland si ay u bixiyaan daryeelka shakhsiga ee badqabka ah waxaa si sharci ah loogu oggolyahay inay helaan.

 

Wixii su’aalo ah?

 

Haddii aad qabto wax su’aalo ah oo ku saabsan Diiwaanka Daryeelka Leicester, Leicestershire iyo Rutland, fadlan la xiriir dhakhtar kasta oo caafimaad ama daryeel kaas oo u gudbin kara su’aalahaaga waaxda maamulka macluumaadka ururkooda.

 

Macluumaad dheeraad ah

 

Macluumaad dheeraad ah, fadlan booqo mareegta LLR ICB: https://leicesterleicestershireandrutland.icb.nhs.uk/your-care-record/

 

Si aad ula xiriirto kooxda Barnaamijka Diiwaangelinta Daryeelka LLR, fadlan iimayl u dir:

lpt.llrcarerecord@nhs.net

 

en_GBEnglish
Skip to content